Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Qurbajooga Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Kigali , Rwanda”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Qurbajooga Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Kigali , Rwanda”sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Des Mille Collines by Kempinski ee Magaalada Kigali ee Caasimadda Rwanda Shirkii ugu balaarnaa oo ay iskugu yimaadaan Qurbajooga iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed , iyadoo shirkani qaban-qaabadeeda ay leedahay Waaxda Arrimaha Qurbajooga iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , laguna cazuumay wakiilo kala matalaya Jaaliyadaha iyo Qurbajooga oo ku dhow illaa iyo 120 xubnood, diblomaasiyiin shisheeye oo ka howlgala Rwanda , Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Wakiilo ka kala socda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta.
Shirkani oo ku tala-galkiisu yahay inuu socdo muddo shan cisho ah , looguna saldhigi doono qorshaha dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya ee ay ka qeyb qaadanayaan qurbajooga Soomaaliyeed , ayaa ka qeybgalayaasha waxa ay ka doodi doonaan Qorshaha Siyaasadda iyo Maalgashiga ee uu soo diyaariyay Xafiiska Waaxda Arrimaha Qurbajooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga.
Furitaanka Shirka ee maanta ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ergeyga gaarka ah ee gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Dr. Maman S. Sidikou oo sheegay in Soomaaliya ay ku dhaqaaqday dhabaha nabadgelyada ,siyaasadda iyo horumarka , waxa uu yiri “ waa inaan diiradda saarnaa mustaqbalka Soomaaliya , dalkiinu hadda ayuu idin baahan yahay, waa inaad ka fikirtaan qorshaha dib u dhiska ” .
Waxa uu sidoo kale xusay in kooxda Al shabaab aaney sii jiri doonin oo ay dhabarka ka jabin doonaan , waxa uu is weydiiyay “ miyaad ku faraxdaa haddii dalkaaga loogu yeero dal argagaxiso ama burcad badeed” waa maya.
Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkani ayaa isna muujiyay sida dowladdu ugu baahan tahay kaalinta qurbajooga Soomaaliyeed , isagoo uga mahadceliyay Midowga Africa , ACCORD iyo hey’adaha ku lamaansan fududeynta qabsoomidda Shirkani , waxa uu yiri “ Soomaaliya dib ayey u soo kabaneysaa , waa inaan dib ugu laabanaa dalkeena oo aan maalgashannaa”.
Agaasime Ali Omar ayaa xusay in Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee ku qabsoomay gudaha caasimadda Muqdisho ay muujisay horumar ammaan iyo siyaasadeed .
Ambassador Welile Nhlapo oo wakiil ka ahaa Hey’adda ACCORD ayaa madasha shirka ka sheegay in hey’addiisu ay ka caawiso Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso xal u helidda khilaafaadka , dib u heshiisiinta iyo horumarinta siyaasadda , ayaa waxa uu dib u xusay kaalinta Soomaaliya ay ku laheyd qaaradda Afrika si gaar ah South Africa .
Parfait Gahamanyi oo ah Agaasimaha guud Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrinaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Rwanda ayaa ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya oo ah mid dhinacyo badan khuseeya ,isagoo sheegay in ay tababaraan shaqaalaha dowladda , ayna diyaar u yihiin inay ka caawiyaan Soomaaliya dhinaca horumarinta iyo xal u helidda khilaafaadka .
Waxa uu ka sheekeeyay gumaadka loo geystay Qowmiyadda Tutsi sanadkii 1994 , isagoo tibaaxay in dhibaatooyinkii dagaaladaasi ka dhashay looga gudbay wadahadal iyo xal hoose oo dadka reer Rwanda ay gaareen .
Waxa uu dhanka kale sheegay in Qurbajooga Rwanda ay ku deeqaan lacago agoonta iyo mashaariicda dib u dhiska iyo maalgashiga .
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qurbajooga iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Abdulkadir Ahmed Mohamed “ Kamtirey”ayaa ugu baaqay ka qeybgalayaasha inay kaga doodaan fadhiyada kala duwan ee shirka qorshayaasha qurbajooga kaga aadan horumarinta iyo maalgashiga dalka .
Hassan Abdullahi oo ah Kusimaha gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Rwanda ayaa ku soo dhoweeyay ka qeybgalayaasha shirkani magaalada Kigali , isagoo kaga mahadceliyay dowladda Rwanda martigelinta shirkani , waxa kale oo uu u mahaceliyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ee ka qeyb-qaadanaya howlgalada ammaan ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beieh ayaa ku howlan dejinta qorshayaasha maalgashiga , iyadoo lagu dhiirigelinayo qurbajooga Soomaaliyeed , shirkadaha shisheeye iyo dowlado inay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaaliya oo ah dal dhex ceegaago kheyraad kala duwan dhulka iyo badda
DSC07542

DSC07545

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

DSC07546

DSC07548

DSC07550

DSC07559

DSC07560

DSC07560_1

DSC07564

DSC07565

DSC07567

DSC07570

DSC07574

DSC07576

DSC07577

DSC07578

DSC07582

Previous Post

Dhul muddo 20 sano kadib dadkii lahaa maanta lagu wareejiyay

Next Post

In ka badan 600 oo arday oo ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD-SAWIRRO

Next Post
In ka badan 600 oo arday oo ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD-SAWIRRO

In ka badan 600 oo arday oo ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD-SAWIRRO

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In