Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuudda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood.
Ergeyga Soomaaliya u qaabbilsan ku biiridda ururka EAC Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay wafdigan joogi doonaan muqdisho maalmaha foodda innagu soo haya, iyagoo u kuur geli doona howl maalmeedyada wasaaradaha dowladda ah iyo sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay ku biirista Ururka.
Danjire, Hanliye oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wada xajood iyo qiimeyn ka dib la samayn doono guddi goโaan kasoo baaraandega, wuxuuna intaa raaciyay in ka Dowlad ahaan ay rajeynayaa in sanadkan gudahiisa ay ku biirto Soomaaliya Ururka AEC.
Cabdisalaan Hadliye , ayaa sheegay in ku biirista AEC ay Soomaaliya u yeelan doonto faaโiidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin, maalgashadayaasha Soomaaliyeed inay helaan xuquuq la mid ah tan muwaaddiniinta ay dalalkooda ku ganasanayaan, in waddamadaas aynu isku meel kaga soo wada jeesanno la dagaallanka argagixisada iyo in xadadka dalalkaas laysu furo si ganacsiyadu ay isaga kala gooshaan waddamada ku bahoobay Ururka.