Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada tashiga Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shirka wada tashiga Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa maamul goboleedka Puntland ayaa ka qayb galay shirka wada tashiga Puntland oo maanta ka furmay caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo golayaasha kala duwan ee Puntland, ururada bulshada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan dadweynaha.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa martida shirka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo aqbaleen shirka wuxuuna tilmaamay in shirkani uu salka hayo wada tashi iyo iskaashi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa madaxdii shirka wax ka furay ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirkaas, isagoo caddeeyey in Dowladda ay ku faraxsan tahay shirkan wada tashiga ah, isla markaana ay salaam iyo bogaadin ka sidaan madaxda Qaranka Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doona mudo saddex beri ah, waxaana maalinta u danbaysa laga soo saari doonaa war-murtiyeed si wada jir ah ay u diyaarin doonaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedka Puntland.

W/D: Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo oo xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka coronavirus ah

Next Post

Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Next Post
Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In