Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada tashiga Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shirka wada tashiga Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa maamul goboleedka Puntland ayaa ka qayb galay shirka wada tashiga Puntland oo maanta ka furmay caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo golayaasha kala duwan ee Puntland, ururada bulshada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan dadweynaha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa martida shirka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo aqbaleen shirka wuxuuna tilmaamay in shirkani uu salka hayo wada tashi iyo iskaashi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa madaxdii shirka wax ka furay ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirkaas, isagoo caddeeyey in Dowladda ay ku faraxsan tahay shirkan wada tashiga ah, isla markaana ay salaam iyo bogaadin ka sidaan madaxda Qaranka Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doona mudo saddex beri ah, waxaana maalinta u danbaysa laga soo saari doonaa war-murtiyeed si wada jir ah ay u diyaarin doonaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedka Puntland.

W/D: Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo oo xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka coronavirus ah

Next Post

Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Next Post
Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In