Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Xudur, wqaxaana Garoonka diyaraadaha magaaladaas ku soo dhoweeyay maamulka gobolka Bakool, maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhoweyn iyo Salaan ka dib wafdiga waxa loo galbiyey guriga martida, waxaana kulan uu la qaatay maamulka oo uga warbixiyey ujeedka safarkooda.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

Ujeedka safarka Wasiirada Ganacsiga, Beeraha iyo Waraabka, Xanaanada xoolaha, Cadaalada iyo Garsoorka, Tamarta iyo Kheyraadka biyaha iyo Qorsheynta ayaa ahaa kormeerida waxqabadka mashruuca SOMREB ee ka soo kabashada abaaraha deegaanada maamulka Koofur Galbeed.

Intaa kadib Maamulka iyo wafdiga waxa ay booqdeen qaar ka mid ah beeraley mashruuca ka faa’ideystay, xarumo dad loo tababarey daaweynta xoolaha, dad shaqo abuur loo sameeyey, xaruuntii Maxkamadda isxilqaanka lagu dhisayey iyo mashruuc laga fuliyey xaruunta seylada xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Xudur.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha gobolka Bakool  Maxamed Cabdi ayaa warbixin guud ka siyey mashruucyada la fuliyey iyo meelaha u baahan in wax laga qabto

Maamulka Degmada Xudur ayaa baaq u direy Hay’adaha samafalka in magaalada Xudur ay xafiisyo ka furtaan maadaama kuwa hadda ka shaqeeya tiro ahaan aad u yaryihiin.

Gabagabadii, waxa kulanka ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Axmed Madoobe Nuunow ayaa umahadceliyey hay’adihii iyo Wasaaradihii ka qeyb qaatay hirgelinta mashruucaan, wuxuna fariin u direy hay’adaha ku mideysan SOMREB in ay kordhiyaan mashruucaan maadaama aad looga faa’ideystay

Previous Post

Shirka wada tashiga Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaanada Galmudug

Next Post
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaanada Galmudug

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaanada Galmudug

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In