Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee Galmudug oo la soo gaba gabeeyay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee Galmudug oo la soo gaba gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wada-tashiga oo socday muddo saddex cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyacda xalka waara ee dowlad gobaleedka Galmudug, iyadoo ay ka qeyb  galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha  iyo wixii la mid ah sidii wax looga qaban lahaa .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta  musiibooyinka  ee Galmudug mudane Cumar Xasan Maxamuud ayaa yiri “Waxaan rajaynaynaa in Wasaaradda qorshaynta Qaranka ay ka timaado hal-abuuro dheeraad ah sida Istaraatiijiyadda xalka waara, taas oo la hordhigo deeq bixiyayaasha si ay ugu taageeraan wixii maaliyad ah ee lagu fulin karo. Waxaa sharaf noo ah muddadii saddexda beri ahayd diyaarinta qorshe hawleedku socday in aad arrimo mudnaano gaar ah leh aad ugu darteen qorshe hawleedka xalka waara ee dowlad goboleedka Galmudug 2022”.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Agaasmaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudug  Cabdullaahi  Cumar  Sakiin ayaa sheegay in  howl ballaaran la qabtay oo wax ku ool u ah deegannada Maamulka Galmudug, taasoo ah sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka kala duwan loona maareyn lahaa waxyaabaha keena barakaca iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameyay barakaca ka dowlad gobaleedka, ahaan ayaan diyaarinay oo ah qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara.

“Qorshaha xalka waara ee saddexdii cisho ee la diyaariyey waxa uu kaalin fiican ka qaadan doonaa sidii loo dhisi lahaa nolosha aas aasiga ah ee qaxootiga iyo barakacayaasha. Waxaa aan rajaynaynaa marka uu dhamaado diyaarinta qorshe hawleedkaan in dib loogu soo celin doono saraakiisha Dowlad goboleedka Galmudu ee wax ka diyaariyey Qorshahaan” Ayuu yari Agaasime Sakiin

Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaarada Qorsheynta Qaranka  ayaa tilmaantay in dadaal dheer la galiyay diyaarinta Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraatijiyadda Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

“Qorshahaan waxa uu noqon doona mid xal waara loogu helo qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan dowlad goboleedka Galmudug. Qorshahaan sanad laha ah waxa uu qayb ka qaadan doonaa in isku filnaansho ay dhinac walba ah ay gaaraan dadka soo barakacay iyo qaxootiga sidoo kale. Qorshaha marka la dhameeyo diyaarintiisa waxaa dib loogu soo celin doonnaa dowlad goboleedka Galmudug si loogu sameeyo ansixin looguna hawlgalo fulintiisa.” Ayey tari Agaasime Sahra Cabdi.

Ugu dambeyntii wada-tashiga ka socday magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soo  baxay qorshe howleedka Xalka Waara Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas  oo ay ka dhalan doonaan mashaariic wax looga qabanayo dadka uu saameynta ku yeeshay barakaca  daba  dheeraaday.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo kulan la qaatay ku-xigeenka Hay’adda UNOCHA “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaadiidka oo booqday Buundada liiq-liiqato oo dayactir lagu sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka oo booqday Buundada liiq-liiqato oo dayactir lagu sameeyay “SAWIRRO”

Wasiirka Gaadiidka oo booqday Buundada liiq-liiqato oo dayactir lagu sameeyay “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In