Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta Muqdisho ka furmaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo xaflad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdiga IGAD ee caawa ku hoyana Muqdisho β€œSAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu , January 10 ,2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku martigelineysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka maanta oo Sabti ah , 10 ka bisha January 2015 markii ugu horeysay si rasmi ah muddo 28 sano kadib , Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada ku midoobey Urur goboleedka IGAD , wareegiisa 53,aad , iyadoo laga tallaabay marxaladii KMG aheyd ee dalku ku jiray muddo 12 sano .

Shirkani oo ka furmaya gudaha Caasimadda Muqdisho , socon doonana muddo hal cisho ah , ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Ethiopia H.E. Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus , Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youssouf, South Sudan H.E. Dr. Barnaba Marial Benjamin , Sudan H.E. Ali Karti , Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda H.E. Henry Okello Oryem iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Kulankani oo looga hadli doono taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku talaabsaneysa horumar siyaasadeed iyo mid ammaan , hiigsaneysana qorshayaal dalka dib loogu dhisayo , laguna horumarinayo , ayaa la rajeynayaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada ku midoobay IGAD ay ka soo saari doonaan gaba-gabada shirkooda war-murtiyeed bidhaaminaya waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qabsoomidda kulankan ayaa ah tusaale wanaagsan iyo ifafaale dib u soo celinaya kaalintii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku laheyd caalamka , wuxuuna horseedayaa in dunida ay qirto in Soomaaliya xilligan ay dib uga soo kabaneyso dagaalo dib u dhigay hanaankeedii dowladnimo .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa u aragta qabsoomidda Shirkani rajooyinka wanaagsan ee xoojinaya awoodda siyaaasadda dibadda ee dalka .

Waxaa Xusid mudan in Dowladdii KMG ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Abdullahi Yusuf Ahmed ay ku marti gelisay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD , oo qabsoomay 29 November 2005.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaalin weyn waxa ay ka qaadatay aas’aasidda Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha ku yaala Bariga Afrika , waxaana si rasmi ah loo aas’aasay sanadkii 1986.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Previous Post

Madaxweynaha oo xaflad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdiga IGAD ee caawa ku hoyana Muqdisho β€œSAWIRRO”

Next Post

Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO}

Next Post
Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO}

Cabdi Qaasim"Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas"DHAGEYSO}

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In