Friday, July 1, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta Muqdisho ka furmaya

January 10, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo xaflad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdiga IGAD ee caawa ku hoyana Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu , January 10 ,2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku martigelineysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka maanta oo Sabti ah , 10 ka bisha January 2015 markii ugu horeysay si rasmi ah muddo 28 sano kadib , Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada ku midoobey Urur goboleedka IGAD , wareegiisa 53,aad , iyadoo laga tallaabay marxaladii KMG aheyd ee dalku ku jiray muddo 12 sano .

Shirkani oo ka furmaya gudaha Caasimadda Muqdisho , socon doonana muddo hal cisho ah , ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Ethiopia H.E. Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus , Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youssouf, South Sudan H.E. Dr. Barnaba Marial Benjamin , Sudan H.E. Ali Karti , Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda H.E. Henry Okello Oryem iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim.

Related posts

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022

Kulankani oo looga hadli doono taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku talaabsaneysa horumar siyaasadeed iyo mid ammaan , hiigsaneysana qorshayaal dalka dib loogu dhisayo , laguna horumarinayo , ayaa la rajeynayaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada ku midoobay IGAD ay ka soo saari doonaan gaba-gabada shirkooda war-murtiyeed bidhaaminaya waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qabsoomidda kulankan ayaa ah tusaale wanaagsan iyo ifafaale dib u soo celinaya kaalintii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku laheyd caalamka , wuxuuna horseedayaa in dunida ay qirto in Soomaaliya xilligan ay dib uga soo kabaneyso dagaalo dib u dhigay hanaankeedii dowladnimo .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa u aragta qabsoomidda Shirkani rajooyinka wanaagsan ee xoojinaya awoodda siyaaasadda dibadda ee dalka .

Waxaa Xusid mudan in Dowladdii KMG ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Abdullahi Yusuf Ahmed ay ku marti gelisay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD , oo qabsoomay 29 November 2005.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaalin weyn waxa ay ka qaadatay aas’aasidda Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha ku yaala Bariga Afrika , waxaana si rasmi ah loo aas’aasay sanadkii 1986.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Previous Post

Madaxweynaha oo xaflad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdiga IGAD ee caawa ku hoyana Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO}

Next Post
Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO}

Cabdi Qaasim"Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas"DHAGEYSO}

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar uu dhawaanahaan ku...

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey...

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

July 1, 2022
0

Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka...

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

July 1, 2022
0

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In