Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda IGAD oo Goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa soo gabo gabeeyay shirka 53-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo markii ugu horeysay lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo bur burkii dowladdii dhexe kaddib.

Shirka oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Sudan, South Sudan, Uganda iyo Soomaaliya oo sanadkan martigelisay, iyadoo ka qeyb galayaasha shirka ay dowladda ku amaaneen xasilinta amniga dalka.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo soo xiray shirka ayaa ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM uga mahadceliyay qabsoomidda shirka, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu ay sii xoojin doonto horumarinta amniga iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Geba gebada shirka, heerka Wasiir arimo dibadeed ee dowladaha IGAD, isla markaana diiradda lagu saarayay horumarka illaa hadda laga gaaray, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha horyaalla dowladda Soomaaliya ayaa laga soo saaray War murtiyeed qodobo dhowr ah ka kooban.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Fedealka Ethiopia, ahna shir guddoonka xiligan ee dowladaha IGAD, Tedros ayaa geba gebada shirka ka akhriyay Warmutiyeedka laga soos aaray, iyada oo qodobada laga hadlay ay ka mid ahaayeen, in dowladda Soomaaliya lagu dhiiri geliyo dhameystirka howlaha horyaalla ee hiiigsiga 2016, mideynta ciidamada, cambaareynta qaraxii ay Al-Shabaab ku qaatay xerada AMISOM, xoreynta guud ahaan gobolada, xoojinta dowladaha hoose ee maamul goboleedyada dhismaya iyo in beesha caalamka, Midowga Afrika, IGAD iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashaashadaan wada shaqeyntooda lagu horumarinayo Soomaaliya.

Ra’iiwasaraasha Soomaaliya, Dr. Cumar Cabdirishiid Cali shirma’arke, oo isna khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka, ayaa ka hadlay qorshayaasha ay dooneyso in ay sanadkaan hirgeliso xukumadiisa, asiga oo IGAD uga mahadceliyay garab istaagii Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto dhameystirka dastuurka qabyada ah, gaarsiinta maamulka Federalka iyo dib u qaabeynta hey’adaha caddaaladda iyo garsoorka dalka ooo carabka ku dhuftay in baahi xooggan loo qabo.

Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ah markii ugu horreysey oo uu Muqdisho ka dhaco muddo 29 sano kaddib, inkasta oo 2005tii lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kala soco radiomuqdisho.so war-murtiyeedka shirka oo dhameystiran waxyar un kaddib

Previous Post

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Shirkii Wasiirada Arrimaha dibedda ee IGAD

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Shirkii  Wasiirada Arrimaha dibedda ee IGAD

DAAWO SAWIRRADA: Shirkii Wasiirada Arrimaha dibedda ee IGAD

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In