Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu mahaceliyay dulqaadka ay muujiyeen qabsoomidda shirka 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana uu si gaar ah ciidamada amniga ee dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ku bogaadiyay sida ay u xaqiijiyeen sugidda amniga caasimada.

“Soomaaliya waxa ay ka midtahay wadamadii aas aasay Urur Goboleedka IGAD, runtii shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay martigeliso waxa ay u tahay sharaf weyn, waxaan shacabka uga mahadcelinayaa qabsoomidda shirka, ciidanka amniga iyo kuwa AMISOM waxa ay suurta geliyeen shir heerkan oo kale ah lagu qabto Muqdisho, Codowga waxa uu isku dayayay in uu carqaladeeyo shirka, laakiin ciidamadeena waa ay ka hortageen” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Related posts

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in amniga Soomaaliya ay tahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu intaa ku daray in dhamaadka sanadkan ay Muqdisho shir kuyeelan doonaan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD, taasi oo ah talaabo horumar ah oo xagga amniga ay ku talaabsatay dowladda.

“Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda waxaan soo jeediyay oo la aqbalay in Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ay yimaadaan dalka oo ay ku qabsadaan shirkooda caadiga ah, sida ay u yimaadeen Wasiirada Arrimaha dibadda ayay Madaxweynayaasha IGAD u imaan doonaan” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sdioo kale shirkiisa jaraaid kaga codsaday shacabka iyo madaxda kale ee Qaranka inay muujiyaan dulqaad, isla markaana la dhiirigelinayo horumarka uu dalka ku talaabsanayo, lagana hortago waxkasta oo carqaladeyn kara dowladnimada.

Previous Post

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Next Post

Shirka Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Next Post
Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda IGAD oo Goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho{SAWIRRO}

Shirka Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
0

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.  ...

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In