Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 10, 2015
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wajiga koowaad ee shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo iminka ay leeyihiin shir Albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay muhiimadda uu shirkan u leeyahay Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweynaha ayaa beesha caalamka gaar ahaan dowladaha Urur Goboleedka IGAD uga mahadceliya sida ay u garab istaageen Soomaaliya, isagoo xusay in nabadgelyada Soomaaliya ay xilligan tahay mid la isku haleyn karo, taasi oo suurte gelisay marigelinta shirka.

“Tani waxa ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay ku talaabsatay Nabad iyo horumar, waa guul taariikhi sidoo kale tani waxaa suurta geliyay markii ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen in meelo badan oo dalka ka mid ah ay ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladaha IGAD ay sii wadi doonaan taageerad ay siinayaan Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay fursad u tahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom oo shirka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ajandeyaasha ugu muhiisan ee shirka looga hadlayo ay ka midyihiin horumarka ay dowladdu ku talaabsatay, hirgelinta hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka iyo dar dargelinta howlaha amniga.

Shirka oo ah kii 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in si rasmi ah gelinka dambe ee maanta la soo gabo gabeeyo, isla markaana laga soo saaro qodobo wax ku ool ah, iyadoo uu shirkan noqonayo muddo 29 sanno kaddib in shir ceynkan oo kale lagu qabto caasimadda Soomaaliya.

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Next Post
Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In