Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirrada Boostada Adduunka oo soo dhammaaday

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Wasiirrada Boostada Adduunka oo soo dhammaaday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Wasiirrada ee Shirweynaha Boostada Adduunka ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Abdijan ee Caasimadda dalka Ivory Coast, iyadoo looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo khuseeya arrimaha Boostada adduunka.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee Wasiirradu isla gorfeeyeen waxaa ka mid ah sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa adeegyada Boostada. Waxaa la isla qiray in boostada u adeegto dad badan oo adduunka daafihiisa ku nool, isla markaana ay qeyb ka qaadato sidii adeegyada Dowladda loogu dhoweyn lahaa muwaadiniinta. Waxaa sidoo kale laga dooday istaraatiijiyada cusub ee boostooyinku qaadan karaan xilligan oo uu dunidu aafeeyay safmareenka Coronavirus.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026

Mudane Cabdi Sheekh Axmed Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya oo ay Boostadu hoos tagto oo shirkaan ka qeyb galay ayaa sheegay in fursadaha adeegga boostada dalkeenu ay xooggan yihiin, gaar ahaan dhinacyada dirista iyo keenista xirmooyinka adeegyada Maaliyadda iyo inay xarun u noqoto adeegyada Dowladda ee lagu bixiyo teknolojiyada .

Shirkan oo soconaya muddo 3 toddobaad ah waxaa ka soo qeybgali doona Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda oo halkaas joogi doona illaa ay dhacdo doorashada hoggaanka sare ee UPU, taas oo la go’aamiyay in dalalku goobjoog ka ahaadaan, halkii markii hore la qorsheeyay in dalkii aan goobjoog ahayn uu ku codeyn karo qaab online ah.

Previous Post

Musharrax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed oo soo dhaweeyey doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb

Next Post

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

The Government of Somalia has issued a statement regarding the attack on the Qatar Embassy in Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- The Federal Republic of Somalia expresses its profound concern over the damage sustained by the Embassy of the...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii safaaradda dowladda Qatar...

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab),ayaa maanta xarigga ka jaray Parking cusub oo casri ah oo...

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In