Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirrada Boostada Adduunka oo soo dhammaaday

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Wasiirrada Boostada Adduunka oo soo dhammaaday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Wasiirrada ee Shirweynaha Boostada Adduunka ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Abdijan ee Caasimadda dalka Ivory Coast, iyadoo looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo khuseeya arrimaha Boostada adduunka.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee Wasiirradu isla gorfeeyeen waxaa ka mid ah sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa adeegyada Boostada. Waxaa la isla qiray in boostada u adeegto dad badan oo adduunka daafihiisa ku nool, isla markaana ay qeyb ka qaadato sidii adeegyada Dowladda loogu dhoweyn lahaa muwaadiniinta. Waxaa sidoo kale laga dooday istaraatiijiyada cusub ee boostooyinku qaadan karaan xilligan oo uu dunidu aafeeyay safmareenka Coronavirus.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Mudane Cabdi Sheekh Axmed Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya oo ay Boostadu hoos tagto oo shirkaan ka qeyb galay ayaa sheegay in fursadaha adeegga boostada dalkeenu ay xooggan yihiin, gaar ahaan dhinacyada dirista iyo keenista xirmooyinka adeegyada Maaliyadda iyo inay xarun u noqoto adeegyada Dowladda ee lagu bixiyo teknolojiyada .

Shirkan oo soconaya muddo 3 toddobaad ah waxaa ka soo qeybgali doona Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda oo halkaas joogi doona illaa ay dhacdo doorashada hoggaanka sare ee UPU, taas oo la go’aamiyay in dalalku goobjoog ka ahaadaan, halkii markii hore la qorsheeyay in dalkii aan goobjoog ahayn uu ku codeyn karo qaab online ah.

Previous Post

Musharrax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed oo soo dhaweeyey doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb

Next Post

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In