Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Xoghayayaasha guud ee Midowga Baarlamaannada Dowladaha Islaamka oo ka dhacay Burkina Faso+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shirka Xoghayayaasha guud ee Midowga Baarlamaannada Dowladaha Islaamka oo ka dhacay Burkina Faso+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa ka dhacay Shirka Xoghayahaasha guud ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo horudhac u ahaa kalfadhiga 15-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanka Ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena  qeyb ka ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka ee maalmahan jooga Dalkan Burkina Faso ayaa sheegay in shirkan looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay ama ka hirgalay qodobadii shirarkii horey u dhacay kasoo baxay Sidoo kalena laga wada hadlay joogteynta xiriirka xoghayaasha guud iyo sidii tababar aqoontooda kor loogu qaadayo loo siin lahaa shaqaalaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Sidoo kale waxaa isla xarunta uu ka dhici doono shir weynaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ka dhacay shir kale oo ajendihiisu uu ahaa wadatashi guud iyo dib u habeyn lagu sameynayay Gudi hoosaadyada Baarlaaanadda dalalkaan ay leeyihiin,waxaana Soomaaliya ay xubin kaga noqotay Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Haweenka oo ay ku wada Jiraan Dalalka Baxreyn,Falastiin iyo Libya sida uu Warbaahinta Qaranka uu u sheegay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris “Ganey” oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah xubnaha wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn xubnaha ka socda Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay qadiyada Falastiin oo dhammaan ka qeyb galayaasha ay aad uga hadleen sida ay uga go’antahay difaaca qadiyada Falastiin.

 

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada XFS oo ku wajahan Caabudwaaq.

Next Post

Garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq oo dib u dayactir lagu sameynayo

Next Post
Garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq oo dib u dayactir lagu sameynayo

Garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq oo dib u dayactir lagu sameynayo

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In