Dalalka Sportiga ku hormaray waxaa sababay shirkadaha ka dhisan dalalkooda waayo waxaa ay ka helaan tageero dhan kasta ah ayadoo sidoo kale ay jiraan shirkado kale oo ku caan baxay sameynta qalabka ciyaaraha kala duwan lagu ciyaaro sida shirkadaha Adidas iyo Nike kuwaasi oo sameeya qalabka Kooxaha sida Fanaanadaha Kabaha iyo wixii la midka ah.
Hadaba dalkeena Soomaaliya sadexdii sano ee la soo dhaafay waxaa kor u sii kacayay horumarka Ciyaaraha dalkeena Soomaaliya dhan kasta Kooxaha qaarkood waxay tageero dhaqaale ka helayeen qaar ka mid ah shirkadaha ka dhisan gudaha dalka.
Shirkada A-Z ayaa ka mid ah Shirkadaha u taagan horumarka ciyaaraha dalkeena Waana Shirkad sameysa qaar ka mid ah qalabka Ciyaaraha, Shirkada waxay si hagar la,aan ah u garab istaagtay xiriirka Kubad Cag-yaraha Soomaaliya oo dhowaan u safri doona dalka mareykan halkaasi oo uu ugu qayb geli doono tartanka International Arena Soccer ee mini football-ka waxaana xiririka uu ka gudoomay A-Z dhamaan qalabkii uu ugu qayb qaadan lahaa tartanka waana markii labaad oo ay A-Z sidaan oo kale qalab ay si bilaash ah ku siiso mini football-ka Soomaaliya oo dhowr tartan ka qayb qaatay tartankaan waxaa ka qayb galaya Mexico Usa Colombia iyo Somalia dalkii laga adkaado tartanka ayuu isaga hari doona.
Xaaji Aadan Cabdulle Xoghaya Xiririka Mini Football-ka Soomaalia oo ka gudoomay Shirkada A-z qalabka ayaa ugu mahad celiyay garab istaaga Shirkada ay u muujisay Xirirka Mini Football-ka.
Maamulaha Shirkada A-z Cabdi Nuur Cismaan Cadoow oo qalabka ku wareejiyay Xirirka kubad Cag-yaraha ayaa sheegay in A-z ay tahay shirkad garab istaagi doonto dhamaan sportiga dalka sidaa kooxaha dalka ka jira iyo waliba kulamada qaramada kale duwan uu leeyahay dalkeena Soomaaliya.
Gudoomiye xigeenka Xirirka Ciyaaraha fudud Axmed Maxamuud Gacal oo sidoo kale ka soo qayb galay Munaasabada lagu gudoonsiiyay qalabka Xiriirka Mini Football-ka ayaa sheegay in tani ay tahay horumar kale oo lagu talaabsaday.
Maamulaha shirkada A-z ayaa ii sheegay in hada kadib ay qorsheyn doonto in si bilaash ah ay ku bixiso dhamaan agabka kooxaha heerka kowaad ee dalka si horumarka kubada cagta Soomaaliya uu sare ugu kaco guulo wax ku ool ahna loo gaaro waana mida kaliya ee ka maqnaa kooxaha dalka iyo waliba ciyaartoyda soomaaliya waana horumar cusub oo ay u horseedi doonto A-Z shirkadaha kale ee jira gudaha dalka.
Hoos ka daawo Muuqalka
https://www.youtube.com/watch?v=OoSYpo5X4g4