Sida websit-ka the Verge uu maalintii talaadada ka soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo xogogaal u ah Shirkadda facebook oo ah mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee xiriirka bulshada ayaa qorsheyneysa in ay magaca bedalato usbuuca soo socda.
Maamulaha ugu sareeya shirkadda Mark Zusckerberg, ayaa qorsheynaya in uu arinka magac badalista kaga hadlo’Conect’ oo ah shirka sanadlaha ah ee shirkada facebook, oo 28 oktoobar ku beegan. Inkasta oo website-ka Verge uu sheegtay in laga yaabo in go’aanka magac badalashadu ka soo hormari karo xilligaas.
Iyada oo laga codsaday shirkada in ay ka warbixiso arikaan, ayaa waxa sheegtay in aaney faallo ka bixin karin waxyaabo saadaal ah.
Warkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli beryihii dambe shirkadu cadaadis xooggan kala kulmeysay dowlada Mareykanka, sidoo kale labada gole ee sharci dajinta dalka mareykanka ayaa iyaguna ku kacsan shirkada facebook.
Shirkada facebooka ayaa waxa ay noqoneysaa mid ka mid ah shirkadaha waaweeyn ee adeegyo badan hoos yimaadaan ayadoo hal meel laga wada isticmaalayo sida ; whatsApp iyo instegram.
Ma ahan magac badalashadu arin ku cusub shirkadaha technolog-iyada waaweeyn ee ku bahoobay magaca Silicon Valley, maxaa yeelay ganacsigooda ayaa ku xiran is ballaarinta. Tusaale ahaan shirkadda google waxa ay 2015tii , aasaastay shirkada Alphabet Inc oo markii hore sida google u shaqeyneysay, waxa ayna heerar badan iyo magacyo badan oo ay soo martay mudadaas maanta tahay shirkad hoos timaada google oo iyadu bixisa adeega internetka.
Shirkadda facebook ayaa loo maleynayaa sababta ay magaca u badalaneyso in ay tahay, in ay ku hamineyso waxa ay ugu magac dartay Meta Verse oo uu ku doonayo in uu macaamiishiisa 3dexda bilyan gaareysa isu keeno, ayaga oo isticmaalaya adeegyo kala duwan oo baraha bulshada ah, iyo waliba aalado kala duwan.
Websitka Verge , ayaa sheegay in magaca loo badinayo in ay shirkadda facebook u guurto uu noqon karo Horizon, maxaa yeelay shirkadu waxa ay dhowaan magacaa Horizon World bedeshay qeyb facebook ay leedahay oo games ka u gaar ah.