Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkadda Hormuud oo $15,000 ugu deeqday canug xanuunsan-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Shirkadda Hormuud oo $15,000 ugu deeqday canug xanuunsan-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamuud Yaxye Maxamuud waa inan yar oo halsano iyo bar jir ah waxaa uu ku xanuunsanayaa mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho,Maxamuud waxaa cudurka haya oo sababay in Sanka oo ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee Aadana uu ka gooyo sidoo kalena uu indhahiisa ay Qatar ku jiraan sida dhakhaatiirtu ay sheegayaan wiilkaa yar 25 bari ayuu xanuunkani la jiifaa waalidiintasana waxaa ay noo sheegeen in lagu wargaliyay in dalka aan waxba looga qaban karin oo uu u baahan yahay isbitaal dibada ah.
Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom oo noqotay hay’adii ugu horeysay oo ka jawaabta baahida uu qabo Maxamuud ayaa waxaa ay maanta gaarsiisay lacag dhan $15,000 (Shan iyo toban kun oo doollar) wiilkaa yar ee xanuunsanaya waxaana ay mas’uuliyiinta shirkadu ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago Maxamuud sidii caafimaad dibada ah uu u heli lahaa.
Gudoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation Sheekh Cumar Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay kaalmada ay gaarsiiyeen wiilkaa yar waxaana uu ka codsaday cid kasta oo ilaahay wax siiyay in ay ka qayb qaadato badbaadinta canuga xanuunsanaya.
“Waxaan maanta isugu nimid wiilkaan yarka ah ee sabiga ah oo aad arkeysaan xubinihiisii jirka ugu qaalisanaa Sanka iyo Afka iyo xanuun ku dhacay oo markii hore ku bilawday Jadeeco dhakhtar daro iyo dhibaato soo wajahday awgeed ayuu saan la noqday ilaaahaybaa u qadaray allaah subxaanahu wa tacaalaa waxaan weydiisaneynaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo “ayuu yiri salaad.
Hooyo dhashay wiilkan xanuunsanaya Faadumo Ibraahim,waxaa ay u mahad celisay cid kasta oo garab istaagtay waxaana ay ka codsatay bulshada Soomaaliyeed in laga caawiyo in wiilkeeda caafimaad dibada ah loo qaado .
“Marka koowaad waxaan u mahad celinayaa daahir oo wiilkaan ku soo booqday isbitaalka oo uu ku jiray 24 bari markay na dheheen carabta canugaan waxba lagama qaban karee guriga geysta canugaana mid guri lagu hayn karo ma ahan marka labaad shirkada Hormuud aan u mahad celinaayaa marka sadaxaad walaalahayga kaalin weyn isiinayaan u mahad celinaayaa”ayay tiri Faadumo.

111 222 444 555

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

W/D: Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Safiirka Jabuuti oo deeq gaarsiiyay agoon ku nool Muqdisho

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay gudiyo qaabilsan caafimaadka hooyada

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay gudiyo qaabilsan caafimaadka hooyada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In