Shirkada kaliya ee taleefanada ee ka jirta Itoobiya ee lagu magacaabo Ethio -Telecom ayaa sheegtay in adeegii taleefanada qeybo ka mid ah gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya uu iminka shaqeynayo.
Shirkadu waxay sheegtay taleefanada oo hawada ka maqnaa mudo 3 isbuuc ah sababo la xiriira xiisadaha ka jiray gobalka, hadda meelaha qaar ay shaqeynayaan inta dhimana ay gacanta ku hayaan.
Deegaanada; Dansha,Turkan, Humera, Shiraro, Meytsebri iyo Maykadra ayaa taleefanada qeyb ahaan shaqeynayaan sida shirkada sheegtay.
Magaalada Alamata ayaa taleefanada si buuxda u shaqeynayaan.
Shirkadu waxa ay sheegtay in ay gacanta ku heyso dayac tirka qalabka isgaarsiinta ay waxyeeladu gaartay islamarkaana kaashaneyso shirkada korontada Itoobiya, si adeega korontada loo soo celiyo.