Gabagabada Shirkan ka socoday Magaalada Baydhabo islamarkaana dib loogu eegayay qaar ka mid ah Qodobo Ku jira Dastuurka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeebgaley Gudoomiyaha Baarlamanka KG Soomaaliya . Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya. iyo dad ka socoday ururada Bulshada rayidka KG.
Wasiirka wasaarada dastuurka iyo dib u heshisiinta Koofurgalbeed Maxamed Nuur Caraale oo kulanka ka hadlay ayaa dawlada Soomaaliya ugu mahadceliyey sida shacabka ay ugu soo bandhigtay qodobada ku jira dastuurka islamarkaasina ubaahan dib u eegid.
Wasiirka Wasaarada Dastuurka Dawlada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen ayaa uga mahadceliyey Shacabka KG sida haboon ee ay uga soo qeeybgaleen Shirkan oo muhiim ahaa,
“Shacabka KG waa Shacab aad uwanaagsan oo 60 sana kahor u doodaayey Fadaraal . marka aad ayaan Ugu mahadcelinaayaa sida ay noogala soo qeeybgaleen Mudadii 4 Maalin aheeyd ee Shirka uu socoday” ayuu yiri wasiirka Dastuurka xukuuumadda F. Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Koofur Galbeed C/Qaadir Shariif Sheekkuna Maye ayaa Wasaarada Dastuurka Dawlada Soomaaliya ku amaaney Dadaalka ay ugu jirto sidii loo heli lahaa Dastuur Qaran oo Dhameystiran .
Sawir-qaade Siraaji Sheekh Isxaaq Baydhabo