Magaalada Jabuti ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka 32-aad ee Maayarada caasimadaha dalalka Islaamka, kaasi oo looga hadlayay iskaashiga, hergalinta Mashaariic horumarineed iyo sare u qaadida bilicda caasimadaha.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad ah iyo sidii sare logu qaadi lahaa iskaashiga Caasimadaha dalalka Islaamka.
Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota.