Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Wada tashiga Qaran ee Geeddi socodka Doorashooyinka 2016-ka Oo Garoowe KA Furmay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirkii Wada tashiga Qaran ee Geeddi socodka Doorashooyinka 2016-ka Oo Garoowe KA Furmay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 16 2015 ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Geeddi Socodka Doorashooyinka Soomaaliya 2016 kaas oo ka furmay magaalada Garowe ee Caasimadda Dawladda Puntland .

Kulankan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee caasimadda Garowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, Issimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Kulankan ayaa maanta ka furmay degmooyinka Galkacayo, Qardho, Boosaaso, Badhan iyo deegaanka Tukka-raq ee Maamulka Puntland waxaana ka qayb galay ergooyin dhan 600 oo ergay , kuwaas ka kala socda qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah ee deegaanada Puntland.

Shirkani wada wada tashiga ee ka furmay maanta Gobolada Puntland ayaa socon doona mudo laba maalmood ah waxaana looga tashan doonaa qaabka ugu sahlan ee doorasho uga ka dhici karto Soomaaliya 2016.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad kala guur ah loona baahan yahay in taxadar laga muujiyo meeshii Bulshada Soomaaliyeed ay uga guuri lahayd qaab dhismeedka nidaamka Dawladnimo ee 4.5 .

Maamulka Puntland ayaa waqti kasta u heelan dib u dhiska guud ahaan dalkeena Soomaaliya iyadoo kaalin mug weyn ka gaysatay Dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya waxayna wali ku howlan tahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay helaan Dawlnimo taam oo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan isla markaana laga gudbo nidaamka salka ku haya wax qaybsiga qabiilka ee 4.5.

IMG_7108 IMG_7109 IMG_7111 IMG_7113 IMG_7119 IMG_7123 IMG_7124 IMG_7150 IMG_7149 IMG_7140 IMG_7130 IMG_7129 IMG_7127 IMG_7161 IMG_7168 IMG_7181 IMG_7195 IMG_7199 IMG_7215 IMG_7230 IMG_7231 IMG_7232 IMG_7259 IMG_7264 IMG_7290 IMG_7305 IMG_7310 IMG_7316 IMG_7329 IMG_7411 IMG_7394 IMG_7358 IMG_7356

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartanka is reereebka koobka adduunka ee dalalka Africa oo kulamo ka tirsan la ciyaaray

Next Post
Tartanka is reereebka koobka adduunka ee dalalka Africa oo kulamo ka tirsan la ciyaaray

Tartanka is reereebka koobka adduunka ee dalalka Africa oo kulamo ka tirsan la ciyaaray

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In