Tuesday, June 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 2, 2017
in Wararka
0
Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wiilasha kufsiga ka geystay Galdogob ee Gobolka Mudug 29-ki January 2017-ka ayaa lagu xukumay Tacsiir u dhaxeeysa 100 ilaa 200 Karbaash, Xabsi u dhaxeeya 5 illaa 10 sano iyo ganaax Lacageed, wuxuuna Xukunku ku dhacay Shan ka mid ah lixda Wiil oo bishii hore ee December laba hablood ku kufsaday duleedka Magaaladaasi.

Culima’udiinka deegaanka oo dacwadan gacanta ku haayay, ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray dacwadaasi, iyadoona wiilasha lagu xukumay xabsi u dhaxeeya shan illaa toban sano, ganaax lacageed iyo Karbaash ama jeedal u dhaxeeya 100 ilaa 200.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

June 3, 2025

Dhallinyarada la xakumay ayaa tiradoodu aheyd 5, waxa uuna xakunkooda u dhacay sidan-

1-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo Karbaash oo Tacsiir ah, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

2–Shirwac Jamaac Juunle 200 oo Karbaash oo Tacsiir ah, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

3-Ayaanle Wale, 100 Karbaash oo Tacsiir ah, 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

4-Yaxye Awkax, 100 Karbaash oo Tacsiir ah, 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

5-Cabdirisaaq Xoosh Jibriil, 100 Karbaash oo Tacsiir ah, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Xukunkan oo aad loo sugayay ayaa la sheegayaa in qoysaska wiilasha ay ku qanceen xukunka ay rideen Culimada, oo lagu saleeyay Shareecada Islaamka.

Ammaanka goobta uu xukunka ka dhacay oo aad loo adkeeyay, ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Maamul-goboleedka Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Maamulkaasi Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulkaasi, General C/qaadir Shire Faarax (Ereg).

Wasiirka Caddaaladda ee Maamulka Puntland ayaa Warbaahinta la hadlay Xukunkaasi kadib ayaa faahfaahiyay sida uu u dhacay, wuxuuna sheegay in Xukunka loo maray laba heer, isagoo sheegay in mid ka 1-aad uu ahaa Shareecada Islaamka, halka midka 2-aad uu ahaa xeer ciqaabta.

Xukunkaasi, ayaa wuxuu ahaa mid ay si weyn isha ugu hayeen dadka Soomaaliyeed, waxayna dhambaalo fara badan ka soo yeerayeen Bulshada kuna baaqay in ay cadaalad helaan gabdhihii la kufsaday.

Haddaba sidee loo arkaa Xukunkii lagu riday Wiilasha falka Kufsiga u geystay Gabadho Soomaaliyeed?

Su’aashaasi ayaan waxaan weydiiyay dhowr Qofood oo ka kala tirsan Daweyne, Culumo iyo Hey’adaha Dawladda, haddaan ku horreeyo Dadweynaha sida ay arkaan, ayaa inta badan ii sheegay inay xukunkaasi uu ahaa mid loo baahnaa, in kastoo qaarkood ku doodayaan in la dilo ayayba aheyd, waayo waa in la dabar jaraa falka sii fidaya ee kufsiga, si uusan ugu sii baahin Dhulka Soomaalidu degto.

 

Culumada Soomaaliyeed oo aan qaarkood la sheekeeystay ayaaa iyagu ku kala duwan aragtidooda Xukunka lagu riday Wiilsha, waxayna qaarkood qabaan in uu ahaa mid loo baahnaa, islmarkaana lagu qanci karo, halka kuwa kalena ku doodayaan in xukunka ay wax ka dhiman yihiin, iyagoo shaki ka qaba in Wiilasha dhammaantood aysan guur soo marin, tan kale oo ay walaaca ka muujiyeen ayaa ah in Gabdhaha ay qabaan dhaawacyo culus oo loo geystay, Shareecada Islaamkuna qabto in mid walba la qiimeeyo, islmarkaana lagu Xukumo dambiilaha.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah Masuuliyiintii ka hadlay falkii kufsiga iyo jirdilka isku jiray ee Galdogob loogu geystay Gabdho Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay sida uu u arko Falkaasi.

“Aad iyo aad ayey ii xanuun jisay falkii kufsiga iyo jirdilka ahaa ee ka dhacay Goldogob, Dawladda Federaalka Soomaaliya dulqaad uma laha Kufsiga iyo cabsi galinta Dumarka oo ah sharafta Ummadda Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu ugu dambeyntii Gabdhahaasi la xanuunsan Kufsiga iyo Jir-dilka loo geystay uu si gaar ah ugu ballan qaaday in gudaha iyo dibadda gargaar Caafimaad loogu fidiyo, hadba meeshii lagu daaweyn karo.

Waxaa kalo jirta oo u baahan in la xuso, qaabka Warbaahinta u tebisay Falkaaasi Kufsi, ayaa loo arkaa mid aan habooneyn, taasoo meel ka dhac ku ah sharafta Gabdhihii dhimbanaa, waxaana loo baahan yahay in la raaco qaababka loo tebiyo Wararka ku saabsan Kufsi iyo tacadiyada kale oo loo geysto Haweenka.

1 11 1111 11111

Previous Post

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”

Next Post

Xarunta Baarlamaanka oo ay ka socoto dhageysiga Qudbadaha Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha

Next Post
Xarunta Baarlamaanka oo ay ka socoto dhageysiga Qudbadaha Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha

Xarunta Baarlamaanka oo ay ka socoto dhageysiga Qudbadaha Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

June 3, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

June 3, 2025
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In