Friday, July 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidee Maanta looga Ciiday Dunida Islaamka iyo Soomaaliya+ Sawirro.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Sidee Maanta looga Ciiday Dunida Islaamka iyo Soomaaliya+ Sawirro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 1-da Shawaal 1440-ka, kuna beegan 4 June 2019-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan laga Ciiday Dunida Islaamka, waloow ay jiraan Waddamo dhowr ah oo  weli laga laga Sooman yahay.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciiday, iyadoo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay Sanadkan usoo guteen waajibaadka Bisha Ramadaan.

Related posts

Xuska 1da Luulyo oo lagu qabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga

Xuska 1da Luulyo oo lagu qabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga

July 3, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA IMAAM MAXAMED YUUSUF CALI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA IMAAM MAXAMED YUUSUF CALI

July 3, 2026

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya ayaa xilli hore oo Saakay ah laga oogay Takbiirta, iyadoo Salaadda Ciiddana lagu gutay Masaajidda iyo goobo kale oo ay isugu yimmaaddeen Dad weyne aad u tira badan.

Goobaha Maanta lagu Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Is-bahaysiga Islaamka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab iyo Mas’uuliyiin isugu jirta.

Madaxdii ka qeyb gashay Salaadda Ciidul Fitriga ee Maanta lagu Tukaday Masjidka Is-bahaysiga Islaamka  oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa dhammaantood waxay Dad weynihii halkaa ku sugnaa iyo Shacabka Soomaaliyeedba la wadaageen farxadda Ciidul Fidriga.

Tukashada Salaadda ka dib ayaa waxay mas’uuliyiintu Alle ugu baryeen Shacabka Soomaaliyeed in uu dhibka ka saaro, Ciiddan teeda xigtana uu ku gaarsiiyo Nabad iyo bawaaqo.

Sidoo kale goobaha sida weyn Maanta looga oogay munaasabadda Ciidul Fidriga waxaa ka mid ahaa, degaannada Puntland, qeybo ka mid ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Magaalooyinka Puntland ee sida weyn looga Ciiday waxaa ka mid ahaa Magaalada Garoowe oo Salaadda lagu Tukaday Garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare.

Waxaana Salaadda ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan, mas’uuliyiin , Isimo, Cuqaal, Nabad-doonno, wax-garad iyo Shacab aad u tiro badan, iyagoo si weyn isugu hambeeyay Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay Dad weynaha iyo Madaxda Gobolka ku wada Tukadeen goob bannaan ah, halkaasoo ay Shacabka isku marxabbeeyeen, waxaana kelimado dardaaran iyo ducooyin ah ka aqriyay qaar ka mid Culimada Magaalada.

Waxaa sidoo kale iyana si weyn Maanta looga Ciiday degaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana goob fagaara ah si niyad sami leh ugu wada Tukaday Madaxda iyo Shacabka Jubbaland.

Ducada Culimada iyo is marxabbayn Dad weyne ka dib, waxaa Shacabka reer Jubbaland la hadlay Madaxweynaha maamulkaasi , Axmed Maxamed Islaam, isagoo Bulsha weynta Soomaaliyeed usoo jeediyay in ay is cafiyaan Gacmahana is qabsadaan.

Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG Koofur galbeed ayaa sidaa si la mid ah laga oogay Maanta Salaadda Ciidul Fidriga, iyadoo ay Dad weynaha ka muuqatay farxad, Waaliddiintuna ay Carruuraha u daadahaynaya goobaha Cibaadada iyo Dalxiiska.

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hanbalyo u diray shacabka Soomaaliyeed maalinta ciida owgeed

Next Post

Millitariga Suudaan oo ku dhowaaqay in ay Sagaal Bil ka dib doorasho qaban doonaan

Next Post
Millitariga Suudaan oo ku dhowaaqay in ay Sagaal Bil ka dib doorasho qaban doonaan

Millitariga Suudaan oo ku dhowaaqay in ay Sagaal Bil ka dib doorasho qaban doonaan

Somali Heritage Week Brings Independence Celebrations to Edmonton as Ambassador Dahir Hassan Urges the Diaspora to Guard Its Culture

Somali Heritage Week Brings Independence Celebrations to Edmonton as Ambassador Dahir Hassan Urges the Diaspora to Guard Its Culture

July 3, 2026
0

The Somali community in Canada marked the 66th anniversary of Somalia's independence with Somali Heritage Week 2026, a week-long programme...

Xuska 1da Luulyo oo lagu qabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga

Xuska 1da Luulyo oo lagu qabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga

July 3, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loogu maamuusayay 66-guuradii ka soo wareegtay markii...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA IMAAM MAXAMED YUUSUF CALI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA IMAAM MAXAMED YUUSUF CALI

July 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda...

Xuska 1da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Edmonton ee dalka Canada

Xuska 1da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Edmonton ee dalka Canada

July 3, 2026
0

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka iyo Canada Danjire Daahir Xasan Cabdi , Wasiirro hore iyo dad caan ah ayaa magaalada Edmonton,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In