Sunday, June 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay u Qaadaa Kiisaska Dacawadah ee Soo Gara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 4, 2018
in Wararka
0
Sidee  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  ay u Qaadaa Kiisaska Dacawadah ee Soo Gara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

June 29, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

June 29, 2025

Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.

Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka  sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday  Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda  darajadeeda koowaad iyo midda sare  oo ku guuleystay kiisas  culus inay  qaadaan, iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay umaraya .

Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka go’antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.

Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxay kiisas kala duwan ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukunno kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.

Eedeysanaha dambiyada  ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda go’aan ay  ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.


Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, ayaa sheegay arrinta la xiriirta qareen u qabashada Qofka eedeysanaha inay tahay sharci,isagoo intaa ku daray in uu xaq u leeyahay eedeysanaha helidda qareen u doodo, balse haduu qabsan Karin qareen ayuu tilmaamay inay waajib tahay in dowladda ay u qabato.

“Arrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore  ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen,  si lo helo dacwo hufan  oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah  iyo cidda difaaceysa Eedeysanaha oo qareenkii  iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysay” ayuu yiri guddoomiye Shuute

Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineysa in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalka  ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan  seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii  Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?

“Xaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo maray  qofku  ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay ku  xukumeysa isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayey” mid kamid ah garsoorayaasha  Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ay tahay in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Previous Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan oo ka wada Xaajoonaya Xaaladda Suuriya

Next Post
Madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan oo ka wada Xaajoonaya Xaaladda Suuriya

Madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan oo ka wada Xaajoonaya Xaaladda Suuriya

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In