Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay u Qaadaa Kiisaska Dacawadah ee Soo Gara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Sidee  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  ay u Qaadaa Kiisaska Dacawadah ee Soo Gara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.

Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka ย sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday ย Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda ย darajadeeda koowaad iyo midda sare ย oo ku guuleystay kiisas ย culus inayย  qaadaan,ย iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay umaraya .

Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka goโ€™antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.

Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxay kiisas kala duwan ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukunnoย kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.

Eedeysanaha dambiyada ย ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda goโ€™aan ay ย ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, ayaa sheegay arrinta la xiriirta qareen u qabashada Qofka eedeysanaha inay tahay sharci,isagoo intaa ku daray in uu xaq u leeyahay eedeysanaha helidda qareen u doodo, balse haduu qabsan Karin qareen ayuu tilmaamay inay waajib tahay in dowladda ay u qabato.

โ€œArrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore ย ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen,ย  si lo helo dacwo hufanย  oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah ย iyo cidda difaaceysa Eedeysanaha oo qareenkiiย  iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysayโ€ ayuu yiri guddoomiye Shuute

Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineysa in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalkaย  ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan ย seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn goโ€™aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii ย Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?

โ€œXaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo marayย  qofkuย  ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay kuย  xukumeysa isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayeyโ€ย mid kamid ah garsoorayaasha ย Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ay tahay in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qurโ€™aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa suโ€™aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Previous Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan oo ka wada Xaajoonaya Xaaladda Suuriya

Next Post
Madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan oo ka wada Xaajoonaya Xaaladda Suuriya

Madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan oo ka wada Xaajoonaya Xaaladda Suuriya

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In