Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, “Ciqaabta Iyo Mihnadda Saxafinimo Waa Kala Caaganyihiin”+SAWIRRO

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, “Ciqaabta Iyo Mihnadda Saxafinimo Waa Kala Caaganyihiin”+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xeerka saxaafadda ee dib-u-eegis dheer lagu sameeyay kadib uu saxiixay madaxdweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda dhaqan gelinta xeerka warbaahinta, ayaa caddeeyay in xeerkan oo la tashiyo ballaaran iyo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”.

Xeerka saxaafadda ee madaxweynuhu saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, hase yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaran, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee dalku saxiixay 2016.

Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay waxaana wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 oo bahda warbaahintu mar kale ay dood ka keeneen, waxaana ugu dameyn meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay madaxweynaha dalka.

Previous Post

Ciidamada Amniga Gaalkacyo Oo Gacanta Ku Dhigay Maandooriyayaal

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha wasiirka gargaarka XFS+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha wasiirka gargaarka XFS+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha wasiirka gargaarka XFS+Sawirro

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In