Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay heshiis dib loogu dhisayo Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay heshiis dib loogu dhisayo Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, February 02, 2015 – Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kula saxiixday heshiis Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga oo loo yaqaan (Real Estate Union in Islamic States “REUOS”).

Heshiiska kadib , Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha REUOS , waxa ay faah faahin ka bixiyeen heshiiskaasi iyo faa’idada uu u leeyahay dalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in hey’adan hoostagta Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dayactirka iyo dib u dhiska dhammaan hantida qaranka ee dibadda oo ay ku jiraan Safaaradaha, guryaha Safiirada iyo wixii la mid ah oo ah hanti qaran oo dalku ku leeyahay dibadda .

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa soo hadal –qaaday in Guddi ka socda hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ay bilaabi doonto socdaal qiimeyn ah oo ay ku soo sameyn doonaan dhammaan dhismooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay qaaradaha Afrika , Asia , Yurub iyo Ameerika.

Mashruucan dib loogu dhisayo , laguna dayac tirayo dhismooyinka qaranka ee dibadda ayaa waxa uu gaar u yahay Safaaradaha , Qunsuliyadaha guud , Guryaha Safiirada iyo wixii la mid ah oo qaranku ku leeyahay dibadda.

Dhankiisa , Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay maqaamka ay dunida ku laheyd , taasina ay ku timid dadaalada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqaaqday, isagoo sheegay in heshiiska uu maanta saxiixay uu ka dhigan yahay tallaabo dhiirigelin u ah horukaca dhaqaalaha iyo horumarka la hiigsanayo mustaqbalka.

Dr. Mohamed Yahya ayaa sheegay in mashruucan laba bilood kadib si rasmi ah u shaqa –gali doono , ayna ka bilaabi doonaan dib u dhiska hantida dowladda , dalka Djibouti oo qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay 16 dhismo.

Arrintan ayaa ah bilowga guulaha la filayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga dib ugu habeyso habka shaqo iyo shaqaale ee ergadeeda dibadda , si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee dowladda iyo shacabka ay u hayaan , waxa ay sidoo kale ay tirxraac u tahay Shirar Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh kula yeeshay sanadkii hore Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia Xoghayah guud Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka.
1a

1b

2b

3c

4d

5e

6g

7h

8e

Previous Post

Southampton oo Kooxda Benfica Kala Soo Wareegtay Ciyaaryahan Filip Djuricic

Next Post

Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Dalka Ingiriiska oo Saacad ka dib Xirmi Doono

Next Post
Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Dalka Ingiriiska oo Saacad ka dib Xirmi Doono

Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Dalka Ingiriiska oo Saacad ka dib Xirmi Doono

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In