Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Tababar Diblomaasiyadeed U Soo Xiray Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Tababar Diblomaasiyadeed U Soo Xiray Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah guddoonsiiyay shahaado diblomaasiyadeed todobo agaasime waaxeed oo ka mid ah 14 Agaasime waaxeed ee Wasaaradda oo muddo labo bilood oo tababar ah u socday, kuwaasi oo si habsami leh u qaatay casharada, si joogta ahna u xaadiri jiray, halka todobada kale ay dib u qaadan doonaan daraasadda.

Danjire Cawad ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ku talagalaysay in wax badan ay fuliso, hayeeshee feyruska Karoona uu carqaladeeyay howl-socodkii qorshayaashiisa oo ay ka mid ahayd in dalka la keeno tababarayaal Sweden u dhashay oo barnaamijyo tababar ku qabta Muqdisho, isagoo bogaadiyay Machadka Diblomaasiyadda iyo tababarayaashiisa oo kaalin weyn ka qaatay tababaridda agaasimeyeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiisha habmaamuus ee Madaxtooyada, Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Koorsada diblomaasiyadeed oo si rasmi ah loo daah-furay 29 Febraayo, ayaa jadwalkeedu ahaa in la soo afjaro 29 Abriil si kor loogu qaado xirfadaha afar iyo tobanka agaasime waaxeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse feyruska Karoona ayaa u horseedday in Machadku qaato go’aan lagu hakinayay tababarka si kumeel-gaar ah, si loo hubiyo bedqabka, loona xaddido faafitaankiisa, waxaase koorsadu dib u bilaabatay horraantii November.

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo kormeeray dhismayaal ka socda taliska guud+SAWIRRO

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka Iyo Guddiyada Dib-U-Eegista Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka Iyo Guddiyada Dib-U-Eegista Dastuurka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka Iyo Guddiyada Dib-U-Eegista Dastuurka “SAWIRRO”

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In