Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta booqday Tayeglow  tababarna u soo xiray ku dhowaad 400 oo askari

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga  iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Tayeglow ee gobolka Bakool,wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka gobolka,kan degmada iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Tayelow siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la yeeshay maamulka gobolka Bakool ayagoo kala hadlay arimo ay kamid yihiin adkeynta Amniga iyo xaaladaha kale deegaanadaasi.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Siihaya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tababar u soo xiraayo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kuwaas oo in muddo Afar Bilood  ah tababar uga socday degmada Tayeglow ee gobolka Bakool.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiye ku xigeenka degmada Tayeglow ee gobolka Bakool Cali Cabdinuur Iimaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in askarta maanta loo soo xiray tababarka sidoo kale la siiyay qalabkii ay ku dagaal gali lahaayeen.

Sidoo kale Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in askarta tababarka dhameysatay ay tiradoodu tahay ku dhowaan 400 oo askari kuwaas oo qeyb ka noqonaya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaalka kula jiray Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan ka wadahadalnay xoojinta amaanka degmada iyo sidii loo kordhin lahaa Ciidanka deegaankan oo aan u sheegnay in uu yar yahay loona baahan yahay in la gaarsiiyo 1000 askari wayna naga ogolaadeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee maanta na soo booqday”

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo furtay Aqoon isweydaarsi looga hadlaayo kheyraadka dalka

Next Post

Dowladda Mareykanka oo cambaareeyay Qaraxii dhowaan ka dhacay Baydhabo

Next Post

Dowladda Mareykanka oo cambaareeyay Qaraxii dhowaan ka dhacay Baydhabo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In