Monday, December 4, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta booqday Tayeglow  tababarna u soo xiray ku dhowaad 400 oo askari

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 8, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga  iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Tayeglow ee gobolka Bakool,wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka gobolka,kan degmada iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Tayelow siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la yeeshay maamulka gobolka Bakool ayagoo kala hadlay arimo ay kamid yihiin adkeynta Amniga iyo xaaladaha kale deegaanadaasi.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Siihaya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tababar u soo xiraayo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kuwaas oo in muddo Afar Bilood  ah tababar uga socday degmada Tayeglow ee gobolka Bakool.

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgal sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

Ciidanka Xoogga oo howlgal sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

December 4, 2023
Danjire Abuukar Baalle” Waxaa jira dalal badan oo diyaar u ah in ay hub nuuc walba ah siiyaan dowladda”.

Danjire Abuukar Baalle” Waxaa jira dalal badan oo diyaar u ah in ay hub nuuc walba ah siiyaan dowladda”.

December 4, 2023

Guddoomiye ku xigeenka degmada Tayeglow ee gobolka Bakool Cali Cabdinuur Iimaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in askarta maanta loo soo xiray tababarka sidoo kale la siiyay qalabkii ay ku dagaal gali lahaayeen.

Sidoo kale Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in askarta tababarka dhameysatay ay tiradoodu tahay ku dhowaan 400 oo askari kuwaas oo qeyb ka noqonaya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaalka kula jiray Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan ka wadahadalnay xoojinta amaanka degmada iyo sidii loo kordhin lahaa Ciidanka deegaankan oo aan u sheegnay in uu yar yahay loona baahan yahay in la gaarsiiyo 1000 askari wayna naga ogolaadeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee maanta na soo booqday”

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo furtay Aqoon isweydaarsi looga hadlaayo kheyraadka dalka

Next Post

Dowladda Mareykanka oo cambaareeyay Qaraxii dhowaan ka dhacay Baydhabo

Next Post

Dowladda Mareykanka oo cambaareeyay Qaraxii dhowaan ka dhacay Baydhabo

Ciidanka Xoogga oo howlgal sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

Ciidanka Xoogga oo howlgal sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

December 4, 2023
0

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa Howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada deegaanno Ka tirsan Gobolka Hiiraan iyadoo...

Danjire Abuukar Baalle” Waxaa jira dalal badan oo diyaar u ah in ay hub nuuc walba ah siiyaan dowladda”.

Danjire Abuukar Baalle” Waxaa jira dalal badan oo diyaar u ah in ay hub nuuc walba ah siiyaan dowladda”.

December 4, 2023
0

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in ay jiraan dalal badan oo diyaar u ah in ay Dowladda Soomaaliya siiyaan hub...

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

December 4, 2023
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan fuliyay deegaannada Adeegoow, Garaar, Warta Doolar, iyo Weeley, oo katirsan gobolka Baay. Taliyaha...

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta oo lagu khaarajiyay degmada Ceeldheer

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta oo lagu khaarajiyay degmada Ceeldheer

December 4, 2023
0

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta Alshabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In