Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo Looga Hadlay Amniga iyo Dib-u-furidda Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Ra,isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shir gudoomiyay Shir looga hadlayay mashaariicda hormarineed ee dalka ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa  guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalkii iyo wax-qabadkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu la yimid mudadii uu xukuumadda hoggaaminayay.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa caddeeyay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Feyruska Karoona.

Golaha ayaa bogaadiyay taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyihiin , saaxiibada Soomaaliya waxayna sidoo kale ka codsadeen inay sii wadaan taageerada, ilaaliyaanna madax bannaanida dalka, dhammaan talooyinkana ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray wasaaradda Maaliyadda “Sawirro”

Next Post
Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray wasaaradda Maaliyadda “Sawirro”

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray wasaaradda Maaliyadda "Sawirro"

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In