Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Sinigal Oo Koobka Aduunka Ugu Hartay Jaalleyaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha
0
Sinigal Oo Koobka Aduunka Ugu Hartay Jaalleyaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka Qaranka dalka Sinigal ayaa isaga haray koobka aduunka kadib markii hal iyo waxba guuldaro ah uu kala kulmay dhigiisa Colombia kulan ka tirsanaa Group-ka H oo labada dal ay ka wada tirsanayeen.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Jaban waxay guuldaro sidoo kale kala kulantay xulka qaranka Poland oo guushii ugu horeyay ee koobka aduunka gaaray kadib markii hal gool uu ugu adkaaday Jaban hase yeeshe waxaa jaban ay ugu gudbeen koobka aduunka nasiib kadib markii meel kasta ay isaga mid ka noqdeen xulka Sinigal hase yeeshe la kala saaray Jaalayasha labada ay qaaten Sinigal waxay qaadatay lix Jaalle halka Jaban uu qaatay afar jaale sidaasi ayaana Jaban uu ugu soo baxay koobka aduunka wallow kaalinka kowaad uu ku soo baxay dalka Colombia.

Jaban iyo Sinigal waxay isaga mid ka noqdeen meel kasta dhanka goolasha ay dhaliyeen kuwa laga dhaliyay iyo dhibcaha ay uruursadeen balse waxaa lagu kala saaray dhanka aqlaaqda sidaasi waxaa ku soo baxday dalka Jaban oo u gudbay wareega 16-ka ee koobka aduunka oo haatan ka socda dalka ruushka.

Dhamaan dalalka afrika u matalayay koobka aduunka oo ay ugu rajo fiicneyd Sinigal galabta ayaa loo jaray tikitka ka laabashada koobka waxaana uu noqday dalka Sinigal dalkii shanaad ee ka socda qarada afrika oo koobka isaga haray ayadoo horey ay u haraan dalalka Morocco Tunisia Masar iyo Nigeria

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah(Daawo Muuqaal)

Next Post

Daawo” Xuska maalinta cafiska Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

Next Post
Daawo” Xuska maalinta cafiska Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

Daawo" Xuska maalinta cafiska Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In