Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sirta uu bixiyey Ajanabigii Al-shabaab ka baxay Zubair Al-Muhajir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Sirta uu bixiyey Ajanabigii Al-shabaab ka baxay Zubair Al-Muhajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa uu ka mid ahaa  ajnabiga argagixisada Al-Shabaab oo uu muddo ka tirsanaa, fariin cod ah oo uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu isaga baxay kooxdaas isla markaana ay yahiin koox baal marsan shareecada islaamka.

Ninkaan  aan la helin wadanka uu u dhashay weli, balse magaciisa lagu sheegay Zubair Al-Muhajir ayaa sida uu sheegay muddo tobaneeyo sano ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, wuxuuna fariinta kusoo duubay luqadda Soomaaliga oo la fahamsan yahay inuu bartay mudada uu waddanka joogay.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Zubair wuxuu adeegsanayaa hadalo adag oo liddi ku ah argagixisada Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan marnaba ku dhaqmin shareecada Islaamka, sidoo kalana wuxuu banaanka soo dhigay sababta ka dambeysa dilka loo geystay Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan horjoogeyaasha sare ka mid ahaa.

Sida fariinta codka ah laga ka muuqata Zubair iyo xubnaha sare ee Al-Shabaab wuxuu khilaafkooda soo bilowday sanadkii 2009, wuxuuna leeyahay iskuma aanan raacin qaraxii Hotel Shaamow, wuxuu sheegay inuu hogaanka u hayay guddiga garsoorka oo ay ku jireen Ahmed Godane , Fu’aad Khalaf iyo Ibraahim Afghan.

Zubair wuxuu fariintiisa ku xaqiijiyay in Al-Shabaab ay dileen Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan, sidoo kalana ay isaga xabsi 3-sano ah galiyeen. sababta dilka ay Afghan iyo raga kalena ay  aheyd sida uu sheegay in looga baqay hogaanka kooxda

Ninkaan ayaa sheegay inuu hadda ka baxay malleeshiyada Al-Shabaab ee ajnabiga ah, wuxuu uga digayaa dhalinyarada iney dhiigooda u huraan kooxdaas uu ku sheegay ineysan sida saxda ah u adeegsan diinta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay sidoo kale inuu dhiiga Muslimka agtooda ka yahay wax aad u raqiis ah.

Sidoo kale wuxuu kashifay in sababta ay u diideen ku biirista Daacish ay tahay iney diidanayeen in la maamulo sidii ka dhacday Nigeria, waana sababta ay xukunka iney heystaan u doorbidayaan mar walba.

Zubair wuxuu aaminsan yahay hadda in diyo lama meg lagu leeyahay Al-Shabaab maadaama ay qirteen qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye, isagoo waliba ka warqaba sida uu qirtay in mar walba ay yahiin kuwa aan xaalad walba shareecada waafajin.

Intaas waxaa sii dheer inuu Al-Shabaab ku yiri: “Hadii aadnaan isku dhaqeynin diinta, dhalinyarada ha marin-habaabina”

Ugu dambeyntii Zubair wuxuu dareensan yahay in Al-Shabaab ay isku dayi doonaan dilkiisa, sida uu yiri, balse wuxuu fariintiisa codka ah ku sheegay inuusan ka baqeynin geerida, sidoo kalana uu sii wadi doono inuu sheego xaqiiqada inta laga ogaanayo diin la’aantooda, waa siduu hadalka u dhigaye.

Previous Post

Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS oo sheegay in weli aan la gaarin xiligii la bilaabi lahaa howlgallada Batroolka

Next Post

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Jaldeys

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Jaldeys

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In