Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa 1,300 oo qoys oo ku dhaqan degaanka Masaggawaay ee gobolka Galgaduud u qeybisay gargaar kala duwan.
Gargarkaan ayaa isugu jiray qaybaha kala duwan ee raashinka, iyadoo qoysaskii la gaarsiiyay iyo maamulka degaanka ay u mahadceilyeen Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.
Hay’adda SoDMA ayaa dhowr jeer gaarsiisay degaannada dhowaan laga xoreeyay khawaarijta gargaar kala duwan, iyadoo dowladda federaalkuna ay halkaasi ka waddo soo celinta dhammaan adeegyadii bulshada oo ay horay u cuuryaamiyeen Khawaarijta arxanka daran.