Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaali ka qeyb galay shir dhallinyaro oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Soomaali ka qeyb galay shir dhallinyaro oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abubakar Shiikh Cabdulle oo ah arday takhasus ka dhigto Jaamacada New York University ee  ku taalo Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ka qayb galay shirka dhallinyarada adduunka oo lagu qabtay xarunta dhaxe ee Qaramada Midoobay oo ku taal magaalada New York.

U jeedada shirkaan ayaa ahayd in la isu keeno hoggaamiyeyaasha dhallinyarada adduunka si ay fikradahooda uga dhiibtaan hiigsaga cusub ee qaramada midoobay oo lagu magaabo Sustainable Development Goals (SDG). Shirkaan oo socday mudo laba maalin ah  aya waxaa ka soo qayb galay hoggaamiyeyaasha dhalinyarda qaaradaha aduunka.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Qodabbada looga hadlay shirka  waxaa ka mid ahaa dowrka ay dhalinyarada ka cayaari karaan hiigsiga cusub ee UN-ka iyo sida ay uga qayb qaadan qaadan karaan barnaamijyada horumarineed ee ay fuliso Qaramada Midobay. Abubakar oo aha hogaamiye dhalinyaro ahna Soomaliga kaliya ee shirkaas ka qayb galay ayaa ka hadlay dhibka haysato dhallinyarada adduunka gaar ahaan dhallinyarada ku nool wadama soo korayo sida Soomaliya.

“ Nasiib xumo, dhibaatada ka socto waddamada soo korayo sida abaaraha,dagaalo iyo bii’ada oo beddelanta, waxay saameynta ugu wayn ku yeelan doontaa dhallinyarada hadda ku nool waddamadaan oo ah kuwa inta badan nafta ku waayo aafooyinka iyo dagaallada” sidaa waxaa yiri Abubakar oo khudbad ka jeediyay madasha shirkaas.

Sidoo kale Mr Abuukar  aya ku dooday sida ay muhiimadda u leedahay in dhalinyarada laga qayb galiyo hoggaanka si ay mustaqbalkooda uga shaqeeyaan. Isagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada haysato dhalinyarada Soomaaliyeed kana qayb galiso dhallinyarada maamulka iyo hoggaaminta dalkooda.

FullSizeRender_1

Previous Post

Xaaladda Guriceel oo deggan kaddib markii ay saakay weerareen maleeshiyaad hubeysan-DHAGAYSO

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhuus Mareeb

Next Post
Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhuus Mareeb

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In