Iyadoo maanta ay tahay Maalintii koowaad ee Ciidul-Adxa ayaa waxaa Muslimiinta ku nool Magaalada Tromsรธ oo ay Soomaalida qeyb ka tahay waxa ay ku dukadeen Salaaddii Ciidda gudaha hoolka weyn ee Tromso Hallen oo ku yaalla Magaalada Tromsรธ, waxaana isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaaladani.
Soomaalida ku nool magaalada Tromsรธ iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee loogu debaaldegayo munaasabadda Ciidda, waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan odeyaasha, waxgaradka, dhallinyarada, haweenka iyo carruurta ku nool Tromsรธ oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.
Qeybahqa kala duwan ee Bulshada ayaa farxaddooda la wadaagay dhammaan Ummadda Islaamka ee ku nool daafaha adduunka iyagoo ka dalbday qof kasta oomuslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.
Culimaa’udiinka Magaalada Tromsรธ ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneynta Munaasabadda ceynkaan oo kale ee Ciidda maadaama ay malaayiin muslimiin ahย soo guteen waajibaad xajka iyagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay u duceeyaan dalkooda si uu u noqdo wadan xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.