Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Maraykanka oo dhaqaalo u uruuriyay Isbitaallo laga dhisayo Goboladda Sanaag iyo Togdheer

April 3, 2018
in Wararka
0
Soomaalida Maraykanka oo dhaqaalo u uruuriyay Isbitaallo laga dhisayo Goboladda Sanaag iyo Togdheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Columbus Ohio ee Dalka Maraykanka  ayaa sameeyay kulan dhaqaalo loogu aruurinayay Isbitaallo loo dhisayo Hooyadda iyo Dhallaanka ee Magaalooyinka Widhwidh iyo Awrboogays ee  Goboladda Sanaag iyo Togdheer.

Waxaa kulankan ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bulshadda sida, Culimada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Ardayda ,waxaana hadallo qiiro leh oo ku aaddan xaallada ay ku suganyihiin hooyooyinka iyo Carruurta Magalooyinkaasi soo bandhigay Gabdho Soomaaliyeed oo barnaamijkan Hormuud u ahaa.

Dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi isigu yimid ayaa fadhiga gudahiisa ku uruuriyay dhaqaale billoow ah oo gaaraya 72,66 Doolar, iyadoo ay tabarucaadda dhaqaale sii socon doonto, taasoo ay iska kaashanayaan Ururro madax bannaan, Dad is xilqaamay iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Hooyada iyo dhalaanka ayaa ku sugan xaalado aan indhaha laga qabsan karin oo caafimaad daro iyo daryeel la’aan dhanka caafimadka ah gaar ahaan xiliga uurka iyo waqtiga dhalmada oo ay aad murugsantahay xaalada hooyada oo aan biloowga uurka helin daryeel caafimaad taas oo sababata in ay isku dhintaan ama ay dhimato kadib marka ay dhasho.

Qaar ka mid ah Haweenkii halkaasi ka hadlay ayaa xaaladda ku tilmaamay inaysan ahayn mid Indhaha laga qabsan karo, taasoo mudan bay yiraahdeen in layska kaashado sidii Dadkaasi tabaalaysan loo caawin lahaa.

Waxaa kulankaasi muxaadaro ku aaddan qiimaha sadaqada ka soo jeediyay Sheekh Aadan & Sheekh Horseed oo dhamaan Dadka ku boorriyay in ay walaalohood ku sadaqeystaan isna garab taagaan.

Ururka Fowzia Health Foundation oo ah Ururka howshan wada kaalin firfircoonna kaga jira arrimaha samafalka ayaa horay dhaqaalo aruurin noocan oo kale ah uga sameeyay Magaalooyin kale oo ku yaal Dalka Mareykanka , si loo caawiyo Walaalaha Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan Dalka gudahiisa.

Previous Post

Shir looga hadlayo Kor u qaadida Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo ka socda Garoowe

Next Post

Mareykanka oo war ka soo saarey duqeymo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab 

Next Post
Mareykanka oo war ka soo saarey duqeymo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab 

Mareykanka oo war ka soo saarey duqeymo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab 

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In