Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Ohio oo soo dhoweeysay Dahir Omar oo u tartamaya Xildhibaan Xaafada 25 ee Columbus Ohio+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Soomaalida Ohio oo soo dhoweeysay Dahir Omar oo u tartamaya Xildhibaan Xaafada 25 ee Columbus Ohio+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Columbus oo ah magaalada labaad ee Soomaalida ugu badan Mareykanka ay ku noolyihiin waxaa markii ugu horeysay ka biloowday isbadal ay samaynayaan aqoonyahano Soomaaliyeed oo doonaya in ay qeyb ka noqdaan Maamulka ama dowladda gobolkan.

Xaafadda 25 ee magaaladan waa xaafada Soomaalidu ku badanyihiin waxaana in mudaa xildhibaan ka ahaa dadyoow kale oo ay Soomaalidu codkooda siin jireen balse xiligan arintaasi waxa ay u muuqataa in Soomaalidu ka gudubtay kadib markii maanta uu Musharax Dahir Ali Omar oo xaafadaasi u ordaya uu la hadlay inbadan oo ka mid ah jaaliyada isaga oo usoo bandhigay hadafkiisa ku aadan xaafada 25 Soomaalidana weydiistay codkooda iyo taageeradooda.

Related posts

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

Waxa uu xusay in Soomaalidu ka mid yihiin dadka ugu badan ee ka codeeya xaafaddaasi isla markaana laga qaado canshuur aad ubadan taa badalkeedana loo bahanyahay in Soomaalidu la timaado la xisaabtan iyo ka hortagida mustaqbalka bilaa siyaasada ah ee ku soo wajahan caruurtooda.

Dahir Omar oo Soomaalida iyo Africanka xaflada ka soo qeybgalay la hadlayay waxa uu yiri  “Waxa aad la socotaan in maalin walba ay ilmaheenu ku dhintaan Columbus iyo xaafadan, Waxaad ogtihiin in xarumaha dowlada aysan joogin dad na matala, waadaganahay lakin kama muuqano, waan bixinaa canshuurta lakin jawaabteeda oo sax ah ma helo, waxaan ku leenahay hanti badan iyo ganacsi balaaran, maxaa diidaya in ilmaheena aan u furno wadadii ay ku ahaan lahayeen muwaadiniin la mid ah kuwa dalkan isbadalka ku soo kordhiyay isla markaana hela xaquuqdooda siyaasadeed”

Mudadii ay xafladdani socotay waxaa ka hadlay dadyow African ah oo ka kala yimid wadamo badan oo africa ah kuwaas oo ku faraxsan in ay arkaan qof ka yimid africa kana mid ah soo galootiga dhawaan yimid in uu u ordo xaafada 25 iyaga oo booriyay in talaabadan aysan ahayn mid Soomaalida kaliya u hiilinaysa balse ay tahay mid Africanka oo dhan u hiilin doonta.

Gudoomiyayaal ka socday xaafadaha Soomaalidu ku badantahay ayaa ka hadlay xafladan waxayna muujiyeen in Soomaalidu leeyihiin awood qarsoon, muhiimna ay tahay in ay muujiyaan xiligan.

Qaarkamid ah Culumada iyo waxgaradkii ka hadlay xafladan waxay soo qaateen tusaalayaal badan oo ku aadan xaalada Soomaalida gobolkan iyo dowladda taas oo muhiim ah tahay in Soomaalida Ohio ay qaataan kaalintooda si lamid ah Soomaalida Minnesota iyo Washintong.

Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaalida gobolkani sameeyaan iskuday midkan oo kalaa lamana saadaalinkaro waxa ay kala kulmi karaan mowjado codad kala duwan oo ay dadbadan u kala taaganyihiin.

Deeqo Shire

Previous Post

Munaasabad lagu weyneynayo Aas-aaska Ciidamada Booliska oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Mashaariic Horumarineed oo laga fulinayo Magaalada Cadaado

Next Post
Mashaariic Horumarineed oo laga fulinayo Magaalada Cadaado

Mashaariic Horumarineed oo laga fulinayo Magaalada Cadaado

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In