Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xassan Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Dr. Lie Wasiirka Cafimaadka dalka Ethoipia.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadilahaa iskaashiga labada Waasaradood ee dhinaca khibrad wadaaga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaad waxa ayna isku afgarteen in Ethiopia ka caawiso Soomaaliya sare uqaadista tayada aqoonta, khibarada shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta xarumaha caafimaadka Qaranka.
Sidoo kale Labadda Wasiir ayaa isku afgartay in iskaashiga Wasiirada Bariga Afrika sare loo qaado, isla markaana si wadajir ah Wasiirada Wasaaraddaha caafimaadka ee wadamada Bariga Afrika ka wadashaqeyaan horumarinta tayada caafimaadka Bariga Afrika.