Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliiyadda oo meel wanaagsan maraya iyo dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixinta IMF ayaa ku bilaabatay sidan, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha deyn cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka”.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 36 bilood ah.

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka deyn cafinta, si loo sii xoojiyo hey’adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya. IMF waxa ay xustay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ah in ay lama huraan tahay.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxaa kale oo ay sheegtay in horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka wanaaga sannadihii la soo dhaafay,

Iyada oo laga duulayo horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga sanadihii la soo dhaafay, ayaa hadana mudnaanta gaarka ah waxa ay noqon doontaa jaangoynta xasilinta siyaasadda muhiimka ah ee dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta maamulka maaliyadda.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta. In ka badan 30 sano ka dib, Soomaaliya waxa ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa hey’adaha Maaliyadda Adduunka.

Previous Post

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay daahfurka Mashruuca SERP

Next Post

R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Next Post
R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In