Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 1, 2023
in Wararka
0
Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliiyadda oo meel wanaagsan maraya iyo dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixinta IMF ayaa ku bilaabatay sidan, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha deyn cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 36 bilood ah.

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka deyn cafinta, si loo sii xoojiyo hey’adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya. IMF waxa ay xustay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ah in ay lama huraan tahay.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxaa kale oo ay sheegtay in horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka wanaaga sannadihii la soo dhaafay,

Iyada oo laga duulayo horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga sanadihii la soo dhaafay, ayaa hadana mudnaanta gaarka ah waxa ay noqon doontaa jaangoynta xasilinta siyaasadda muhiimka ah ee dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta maamulka maaliyadda.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta. In ka badan 30 sano ka dib, Soomaaliya waxa ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa hey’adaha Maaliyadda Adduunka.

 

 

Previous Post

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay daahfurka Mashruuca SERP

Next Post

R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Next Post
R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In