Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-Wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Cabdisalaam uu si cad u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba-geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba lagu fuliyo oo keliya, iyada oo loo marayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Wasiirku wuxuu si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Dhankiisa, Wasiir Mudavadi wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka dawladda Kenya ee ah in ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo mabaa’diida deris wanaagga, xushmadda qarannimada, iyo wadajirka gobolka.

Labada dhinac waxay isku raaceen in la dedejiyo qabsoomidda kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhamaystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga.

Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka muuqda ee ay ka ciyaartay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, oo Kenya ay in ka badan 25 sano qayb muhiim ah ka ahayd.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Kenya u fadhisa Shiinaha, Ambassador Willy Bett , Safiirka Soomaaliya u fadhisa Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi; Danjire Jane Major, Agaasimaha Arrimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya; iyo dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Saciid Jaamac Mire, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In