Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre ee Xukuumadda, Fedaraalka Soomaaliya Farax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ugu horeyn Dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah, oo gaaraysa 450 , isaga oo uga mahad celiyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed. “Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar” ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

May 23, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan.

Kulan gaar ah oo uu mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir la qaatay wasiirka waxbarashada Masar, Dr. Ridaa Xijaazi, ayuu wasiirku uga mahad celiyay kaalmada waxbarasho ee ay Masar siiso Soomaaliya, gaar ahaan macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Puntland. Wasiir Xijaazi ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macallimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan Dawlad Goboleedyada; sidoo kalana ay ka qaybqaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii, tani waxa ay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ay si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka.

Previous Post

Shir sanadeedka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Dil ka dhacay machad ku yaalla Jarmalka

Next Post
Dil ka dhacay machad ku yaalla Jarmalka

Dil ka dhacay machad ku yaalla Jarmalka

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khatarta cudurka Ebola kadib markii laga helay Uganda...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose,...

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In