Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Jimce ah ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan.

Xafladda daah-furidda ayaa lagu qabtay Gegidda diyaaradaha Caalamiga, Aadan Cabdulle, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, waxaa madasha goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin muuqda oo ay ka mid ahayd Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wasiirka Duuliska Hawada ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Dr. Sameh Al-Hafni, waxaana munaasabadani ay muujinaysay sida ay uga go’an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya si uu u xoojiyo is-dhexgalka gobolka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiir Axmed Fiqi waxa uu caddeeyay faaidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ifiyay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada dad oo u horseedaya labada dal fursado kobac aad u ballaaran.

Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh.

Previous Post

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay dood looga hadlayay bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ku sugan Soomaaliya.

Next Post

Somalia and Egypt strengthen relations by launching a direct flight

Next Post
Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah

Somalia and Egypt strengthen relations by launching a direct flight

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In