Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 12, 2024
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Jimce ah ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan.

Xafladda daah-furidda ayaa lagu qabtay Gegidda diyaaradaha Caalamiga, Aadan Cabdulle, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, waxaa madasha goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin muuqda oo ay ka mid ahayd Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wasiirka Duuliska Hawada ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Dr. Sameh Al-Hafni, waxaana munaasabadani ay muujinaysay sida ay uga go’an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya si uu u xoojiyo is-dhexgalka gobolka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiir Axmed Fiqi waxa uu caddeeyay faaidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ifiyay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada dad oo u horseedaya labada dal fursado kobac aad u ballaaran.

Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh.

 













Previous Post

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay dood looga hadlayay bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ku sugan Soomaaliya.

Next Post

Somalia and Egypt strengthen relations by launching a direct flight

Next Post
Soomaaliya iyo Masar oo sii adkeeyay xiriirka u dhexeeya iyaga oo bilaabay khad duulimaad toos ah

Somalia and Egypt strengthen relations by launching a direct flight

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In