Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Warka ugu Weyn

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay dib u bilaabashada dhoofka Xoolaha

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Warka ugu Weyn
0
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay dib u bilaabashada dhoofka Xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa maanta shir kula yeeshay xarunta Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee Muqdisho danjiraha Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almuwalad.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ay kaga wada hadleen labada mas’uul xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Boqortooyada Sucuudigu ay dib ugu furi lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo in muddo ah hakad kujiray.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saabsan dhinacyada ganacsiga xoolaha iyo wax wada qabsiga labada dal, isla markaana ay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato.

Danjire Axmed Bin Maxamed Almuwalad ayaa soo dhoweeyey in dib loo bilaabo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee Boqortooyada sucuudiga, waxa uuna rajo fiican ka muujiyey in sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaabi doonaan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey dedaal xoog leh ugu jirtay sidii dib loogu bilaaabi lahaa dhoofka xoolaha ee Boqortooyada sucuudiga.

Previous Post

Kulan looga hadlayay abaaraha oo lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In