Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya ma rumeysana in is-afgaradkii 2009 lagu dhameeyo muranka badda-War saxaafadeed

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (Maxkamadda) ee magaalada Heague, dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (dowladda Kenya), ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (dowladda Soomaaliya) u gudbisay Maxkamadda 28-kii August 2014.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay weydiisan doontaa in ay Maxkamaddu diidmada hordhaca ah ee Dowladda Kenya ay go’aamiso in ay tahay waxba kama jiraan aan qiil haysan. Dowladda Soomaaliya ma rumaysna in Is-afgaradka 7-dii April 2009 dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya uu sal u noqon karo hannaan lagu xalin karo khilaaf, iskaba daa in uu noqdo habka kaliya ee khilaaf lagu xalin karo. Sidaa darteed, dowladda Soomaaliya ma aragto wax caqabad ah oo Maxkamadda u diidaya in ay qaaddo dacwaddaan. Dowladda Soomaaliya waxay aad ugu kalsoon tahay sharciyadda kiis-keeda, waxayna Maxkamadda uga fadhidaa go’aan xaq iyo cadaalad ku dhisan.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Labadaba Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xiriir dhaqan iyo mid taariikheed oo qoto dheer oo meesha aanu ka saari karin khilaaf soo kala dhex gala. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aayaha shucuubta Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid isku xiran. Sidaa darteed dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo in ay wadashaqeyn dhow la lahaato walaalaheeda Kenya si looga wada shaqeeyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee labadda dal iyo gobolkaba.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Uganda Uga Qeybgalay Shirka 8aad Ee Baarlammaannada IGAD “SAWIRRO”

Next Post

Dhageysiga maxkamadda oo mar kale bilaabatay

Next Post
Dhageysiga maxkamadda oo  mar kale bilaabatay

Dhageysiga maxkamadda oo mar kale bilaabatay

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In