Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ง๐š๐š๐Ÿ๐š๐œ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay kulanka diyaar-garowga xilliga Xajka 1448H, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha iyo diyaar-garowga hore ee xilliga Xajka 1448H, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim u ah hawlaha xafiisyada arrimaha xujeyda iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada loo fidiyo martida Alle.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay qodobo ay ka mid yihiin qorshaha shaqo ee Xajka 1448H, jadwalka hawlaha xafiisyada xujeyda, nidaamka isgaarsiinta iyo isku-duwidda, shuruudaha caafimaadka xujeyda, iyo diyaarinta adeegyada muhiimka u ah xilliga Xajka.

Dhinaca Soomaaliya, kulanka ayaa fursad u ahaa in la muujiyo baahiyaha iyo mudnaanta la xiriirta adeegyada xujeyda Soomaaliyeed, gaar ahaan kordhinta qoondada xujeyda iyo xoojinta diyaar-garowga caafimaad ee dadka Soomaaliyeed ee sannad kasta u socda gudashada waajibaadka Xajka.

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ง๐š๐š๐Ÿ๐š๐œ, agaaismaha guud ee wasaaradda oo kulanka kalmad dhinacaya badan taabanaysa kajeediyey ayaa yiri โ€œWaxaan rajeynaynaa in qoondada xujeyda Soomaaliyeed la kordhiyo, si loo daboolo baahida shacabka Soomaaliyeed ee doonaya gudashada waajibaadka Xajka.โ€

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada hore loogu sii diyaarinayo xilliga Xajka 1448H, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudi Carabiya iyo xafiisyada arrimaha xujeyda ee dalalka ka qaybgalaya Xajka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintu siinayso diyaar-garowga hore, si loo hubiyo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeegyo wanaagsan, ammaan iyo daryeel ku filan inta ay gudanayaan waajibaadka Xajka.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Next Post

AFRICAโ€™S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

Next Post
AFRICAโ€™S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICAโ€™S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In