Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Guddi u magacaawday samatabixinta muwaadiniinteenna ku xaniban Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo Guddi u magacaawday samatabixinta muwaadiniinteenna ku xaniban Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay  isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, kaasi oo lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye, isagoo sheegay in ay Wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan, isla markaana ay xuduudaha Suudaan ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isu socodka.

Related posts

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban:-

1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye

2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida  Xubin

3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin

4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir  – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin

5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin

6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin

7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cyaaraha Xubin

8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin

9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin

10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin

11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin

12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan.

 

Previous Post

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Xaawo Ibraahim oo ah Hooyada Xildhibaan Baafo

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Hindiya

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Hindiya

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Hindiya

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In