Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qayb gashay bandhigga Todobaadka dhaqamada oo lagu qabtay Masar+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qayb gashay bandhigga Todobaadka dhaqamada oo lagu qabtay Masar+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Todobaadkan Magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga dhaqannada Aradyda wax ka barata Dalkaasi oo ay Soomaalidana qayb ka tahay.

Arday ka kala socota dhowr iyo Labaatan Dal oo bandhiggaasi ka qayb gashay ayaa waxaa si weyn ugu dhex muuqatay Ardayda Soomaaliyeed oo halkaasi kusoo bandhigay Ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Dhar, Cunto iyo Alaabada laga adeegsado Miyiga iyo Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Dhallinyaro ku lebbisan isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu horreeya bandhig dhaqameedka ka dhacay Qaahira.

Bandhiggan oo ka dhacay Jaamacadaha 6-da Oktoobar iyo Qaahira ayaa waxaa usoo daawasho tagay Kumanaan Dad ah oo isugu jira, Safiirro kala duwan iyo Arday , kuwaasoo aad ula dhacay bandhig dhaqameedka, gaar ahaan wacdaraha ay muujiyeen Ardayda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wacdaraha ay goobta ka muujiyeen, iyagoo intaa raaciyay inay  jeclaysteen dhaqanka Soomaalida Ardaydii kale ee bandhigga ka qayb gashay, isla markaana ay doonayaan inay bartaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Amb; C/qani Maxamed Wacays iyo u qaybsanaha waxbarashada Maxamuud Gawgawle, oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaan ayaa waxay bogaadiyeen kaalinta ay ka qaateen Bandhig dhaqameedka Ardayda Soomaaliyeed, waxanay kula dardaarmeen inay halkaasi kasii wadaan dedaalkooda.

Previous Post

Bulshada Degaanka Bandar-seed ee Gobalka Mudug oo baaq udiray Dowladda Fedaraalka Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Next Post
Wasiirka Cadaalada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Cadaalada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In