Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Galbeedka Aasiya ee QM

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Galbeedka Aasiya ee QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane, Cabdisalaam Shariif Xuseen ayaa dalka Tunisiya uga qayb galay shirka golaha dhaqaalaha iyo bulshada ee galbeedka Aasiya ee Qaramada Midoobay (ESCWA).

Shirka farsamo cilmiyeedka ganacsiga iyo dhaqaale kobcinta ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga caawiyo ganacsiyada gobolka sidii ay u heli lahaayeen suuqyo heer gobol iyo heer caalami ah, kobcinta ilo-dhaqaale iyo keenista xeeladaha loo baahan yahay in lagu taageero SMES.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Wasiir Cabdisalaam Shariif ayaa kulanka ka bidhaamiyay iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya dunida Carabta iyo baahida loo qabo in la billaabo weji cusub oo loogu talagalayo kor u qaadista heerka maalgashiga ganacsiga iyo in lasii xoojiyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ESCWA.

Wuxuu wasiiru dowlaha ka qeyb galyaasha kulanka la wadaagay in soo laabashada shirkadaha shisheeye ee Soomaliya ay ku timid isbeddalka wanaagsan ee xaaladda amniga , xasilloonida iyo mustaqbalka dalka oo dhan, taas oo ku timi ballanqaadyadii uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo Wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero oo la hawl-geliyo rugaha wadajirka ah ee gobolka, si loo horumariyo ganacsiga gaarka ah loona fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsatada iyo hababka maaliyadeed ee qaab dhismeedka dib-u-soo-nooleynta ganacsiga, warshadaha iyo waaxaha maalgashiga.

Madashu waxay matali doontaa saldhig muhiim ah oo qaabkeedu aasaasku yahay iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammaystiran oo faa’iido u leh gobolka iyo fursadda ka faa’iidaysiga dheeraadka ah ee dhinacyada is-dhexgalka ganacsiga ee ka dhexeeya gobollada ay hay’addu matasho iyo Soomaaliya, gaar ahaan ka ganacsiga suuqyada cusub ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.

 

Previous Post

Xildhibaanada Golaha Shcabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Argagixsada

Next Post

RW Xamse oo hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

Next Post
RW Xamse oo hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

RW Xamse oo hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In