Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qaybgashay bandhigga Ganacsiga ee Qaaradda Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qaybgashay bandhigga Ganacsiga ee Qaaradda Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo mudooyinkan dambe ay caasimadda Addis Ababa ka socotay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayey arrimaha dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga wadamada Afrika ayna ka qayb galeen in ka badan 30- dawladood ayaa maanta waxaa loo gudbay qaybta soo bandhigidda Ganacsiga Afrika, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo si buuxda u metelayey Dawladda Soomaaliya.

Madasha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qalabka dhaqanka ee waddamada ka qayb galay munaasabadda, iyadoo madaxda safaaradda Soomaaliya ay booqdeen kana dukaamaysteen goobta lagu soo bandhigay qalabyada kala duwan, inkastoo aysan suurta gelin in madasha la keeno qalabka dhaqanka ee u gaarka ah Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Madasha markii ay soo idlaatay kadib waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Mustafe Mahdi Cashuur u qaybsanaha ganacsiga safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia, isagoo si kooban u sharaxay qaabkii ay Soomaaliya uga qayb gashay madasha iyo waxyaalaha looga hadlay.

Qunsulka labaad ee safaaradda Soomaaliya dalkan Ethiopia Cali Xuseen Maxamed “Atam” dhankiisa sheegay in sanadaha dambe Dawladda Soomaaliya looga baahanyahay diyaar garow heerkiisu sarreeyo oo ka duwan midka aan sanadka kaga qayb galnay munaasabadda dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga Qaaradda Afrika.

Munaasabadahan kala duwan ee la xiriira soo bandhigidda arrimaha dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga qaaradda Afrika ayaa waxay muddo todobaad ah ka socdeen dalka Ethiopia, waxaana Dawladda Soomaaliya ay samaysay bandhig iyo ka aqayb gal heerkoou sarreeyo.

Previous Post

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la kulmay maamulaayasha xarumaha xanaannada carruurta “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Isboortiga oo ka soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Wasaaradda Isboortiga oo ka soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In